Quantcast
Channel: Wararka – Somali RBC Radio
Viewing all 1830 articles
Browse latest View live

Dowladda Jarmalka oo dib u faxeysa malaayin dollar oo Soomaaliya loogu deeqay bur burkii dowladdii dhexe ka hor (Sawirro)

$
0
0

1

Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada waraaqihii aqoonsiga kaga guddoomay Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Jarmalka wakiilka uga noqon doonta Soomaaliya, Jutta Gisela Frasch.

Danjire Frasch ayaa warqadaha aqoonsiga ka sokow, waxay Madaxweynaha soo gaarsiisay dhambaal qoraal ah oo ay ka sidday Ra’iisul Wasaare Angela D. Merkel.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, isagoo Danjire Frasch uga waramey xaaladda Soomaaliya iyo dhinacyada ay labada waddan ka iska kaashan karaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale Danjiraha Jarmalka u sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay maalgashi si loo kobciyo dhaqaalaha dalka, dhanka kalena uu doonayo in la soo nooleeyo barnaamijyadii mihnadaha ee Jarmalka uu Soomaaliya ka taageeri jiray si fursado shaqo loogu abuuro dhalinyarada.

Danjire Frasch, ayaa iyana sheegtay in dalka Soomaaliya uu muhiim u yahay caalamka, iyadoo sidoo kalena soo dhoweysey horumarka dhanka siyaasadda ee dhowaan Soomaaliya ay ku tallaabsatey markii la meel mariyay nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta sannadka 2016-ka.

2

Waxay Danjire Frasch sheegtay in Jarmalka gacan ka geysan doono taageerada dhismaha booliska, xarumo lagu tababaro dhalinyarada dhaqan-celinta lagu sameynayo ee ka soo goosta Al Shabaab, iyo hirgelinta adeegyada aasaasiga ee sahlaya dib u soo noqoshada qaxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha qaxootiga ee waddamada deriska ah.

Sidoo kale Jarmalka ayaa dib u fasaxayaa malaayiin dollar oo horay loogu deeqay Soomaaliya burburka ka hor, lacagtaas oo haatan loo adeegsan doono horumarinta mashaariic kala duwan oo laga hirgelin doono gobollada Soomaaliya.

Labada dal ayaa sidoo kale ka wadahadley sidii la isaga kaashan lahaa adeegyada waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo kuwa kale aasaasiga u ah dib u soo kabashada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyntii sheegay in xiriirka iskaashi ee Soomaaliya kala dhexeeya Jarmalka uu gacan weyn ka geysan karo dib u dhiska waddanka.

3 5 6
__
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Madaxweynaha Soomaaliya: ” Qaramada Midoobay door weyn ayay ku leedahay dib u soo kabashada Soomaaliya” (Sawirro)

$
0
0

4

Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabiley, Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee dhinaca arrimaha siyaasadda, Danjire Jeffrey Feltman oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa Danjire Feltman uga mahad celiyay booqashada uu ku yimid dalka, oo uu tilmaamey inay muhiim u tahay Soomaaliya oo qaadeysa talaabooyin taariikhi ah oo dhinaca siyaasadda iyo dib u qaabeynta mustaqbalka waddanka la xiriira.

Waxaa uu Madaxweynaha sheegay in Soomaaliya ay si tartiib ah u soo kabaneyso, taasina ay ku timid wadashaqeynta iyo wadaxaajoodyada muhiimka ee dhexmaraya Soomaalida.

“Wax badan ayaa inoo qabsoomay, wax baddan way inoo dhiman yihiin. Waxaan xoogga saarnay saddex ajenda oo laf-dhabar u ah dib u dhiska Soomaaliya. Waxaana saddexdaasi arrimood ay kala yihiin hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay, arrimaha amniga oo Golaha Nabadgelyada Qaranka oo aan ku soo darney maamullada dalka ka jira iyo qeybsiga kheyraadka. Dhanka kale aad baan uga mahad celinayaa Qaramada Midoobay oo door weyn ku leh dib u soo kabashada dalkeena, anigoo rajeynayaa inay sii waddo taageerada ay inoo fidiso’’’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ka warbixiyey baahida loo qabo isku dubbaridka iyo tayeynta hawlgallada AMISOM iyo Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada, sida Al Shabaab.

1

Danjire Feltman, ayaa ugu horeyn Madaxweynaha iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ku ammaanay go’aankii dhowaan ay qaateen ee meel marinta nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta sannadkan, isagoo sheegay inay tallaabadaasi ay taageereen, si weyna ay u soo dhoweeyeen dalalka gobolka, caalamka iyo Qaramada Midoobay.

Waxaa sidoo kale Madaxweynaha iyo Danjire Feltman ay ka wadahadleen shirka ka dhici doona magaalada Istanbul bishan February dhammaadkeeda ee ay isugu imanayaan Soomaaliya iyo waddamada iskaashiga la leh, shirka ka dhacaya magaalada Djibouti ee ay isugu imaanayaan madaxda dalalka ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya, iyo sidii dhalinyarada Soomaaliyeed loogu abuuri lahaa xarumo ay ku bartaan mihnadaha kala duwan, loona heli lahaa maalgashi sahlaya fursado shaqo.

Danjire Feltman ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay si buuxda u taageereyso Soomaaliya, isla markaana shacabka Soomaalida ugu baaqey inay si wadajir ah uga shaqeeyaan dib u soo kabashada dalkooda, kana faa’iideystaan taageerada beesha caalamka.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

1 2 3 4
__
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi-qarjab: Waan garaneynaa cida dishay ganacsade Xirsi Adduunyo(Dhageyso)

$
0
0

Wasiir Cabdi Xirsi QarjabBoosaaso(RBC Radio) Wasiirka Amniga Dowladda Puntland Cabdi Xirsi Qarjab ayaa ka hadlay dilkii xalay loogu geystay magaalada Boosaaso ganacsade Xirsi Aduunyo.

Mudane Cabdi Xirsi Qarjab ayaa ugu horeyn sheegay in xaalada magaalada Boosaaso tahay mid degan sida wax loo sheegayana uusan xaalku ahayn.

Waxa uu ka tacsiyeeyey dadkii waxyeeladu kasoo gaartay rabshadihii dhacay ,isagoona ku adkeeyey shacabka iney amniga ka shaqeeyaan oo dhankooda ka qaataan kaalintooda.

Mar uu la hadlaayey Guddoomiyihii hore gobolka ayuu sheegay in ay cadaalad darro tahay qofku marka uu xilka baneeyo in qalaase ka bilaabo Puntland.

“””Qof walba maalin bu kursiga joogaa aniga hada kursigan joogo beri waan ka teki karaa qof kalaa imaan doona ,inaan marka kursiga ka tago inaan carqalad keliyo Puntland aniga xiisahayga ma ahanhade hade wax soconaya ma ahan””ayuu yiri


Wasiirka Amniga Puntland ayaa sheegay in rabshadihii iyo dhibaatadii dhacday mas’uuliyadeeda qaadeyso cidii albaabada u furtay la lana xisaabtamayo.

…””Ninkaas waa la dilay cidii dishayna waa la aqoonsan yahay oo waa la yaqaan qabiilooyinka iyo dowladuna hebel iyo hebel iyo hebel bey u taqaan hayeeshe cid gacanta ku dhigtay majirto””ayuu yiri

Maanta oo axad ah ayaa lagu aasay qabuuraha magaalada Boosaaso marxuum Xirsi Adam (Xirsi Adduunyo) ka gadaal markii kooxo hubeysan ku toogteen xaruntiisa Hubaal ee Boosaaso.

________

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Gaas Oo Puntland Qar Kasii riday. W/Q Mohamed Osman Mohamud

$
0
0

Gaas Oo Puntland Qar Kasii riday
Mohamedcadde78@gmail.com
Mohamed Osman Mohamud
February 4, 2016

cadddeMudadii uu xilka hayay Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa waxa uu Puntland u Horseeday marxalado aad u qalafsan kuwaas oo ay ugu horeeyaan dhaqaale bur bur, xasilooni la,aan iyo sidoo kale inuu ku guul daraystay siyaasadda gudaha Puntland , Shacabk a Wanaagga iyo Nabadda ku caanbaxay waxay layaabanyihin kuna wareersanyihin siyaasadda Gaas ee Fadhiidka ah ee qabyaaladda ku caanbaxay isagoo minja xaabiyay dhammaan xiriirki Puntland E gudaha iyo Dibaddaba ,hadaba maqaalkan waxaan kusoo koobayaa mudadii uu C/wali Gaas xilka u hayay burburka u Puntland u horseeday taas oo ugu horeeyaan.

⦁ Inuu dalka u galiyay siyaasad qalafsan taas lagu salayn karo isagoo aan aqoon badan u lahayn dhanka siyaasada , mudadii Puntland jidhayna ay Puntland dib u dhac badan u galiyay.

⦁ Dhaqaalaha dalka oo u ku tagri falay isaga iyo mooryaantisa Bilis Jaan la baxday , taas o bulshada ku abuurtay inay dhaqaalihii ay abuuranayeen farahoodii ka baxay.

⦁ Amni xumo dalka waxa u galiyay marxalada amni xumo laga soo bilaabo dagaaladii ka dhacay galkacyo taas oo maamulka galnus ay shacab hoobiyaal si arxan daraa ula dhaceen , iyada oo ay ugu danbeysay marxalidihii Bosaso ee ka dhacay oo shacabka lagu xasuusay iyadoo aan loogu aaba yeelin xabad loga dhigay sida roobkii , arimahaas oo ah falalka amni xumo oo ay xukumadda gaas xalinteeda ku guul daraysatay .

⦁ Inuu ku fashilmay wax ka maqal la,aanta isimada Puntland kuwaas oo ah marjaca kaliya ee loo noqdo , taas sabab u noqotay isku dhac ka dhex dhasha bulshada iyo ciidamada amniga .

Talo Soo Jeedin :
Waxaam talo kusoo jeedin laha in C/wali gaas dalka laga qabto waayo wuxuu ku hagayaa siyaasad qar iska xoornimo ah , odayaasha xildhibaanda iyo inta wanaaga iyo hormaka Puntland Jecel waxaan ku dhiiragalinayaa in Dalku ku jiro mar xalad aad u qalafsan , Shalay waxaa holcisay Gaalkcayo Manta Bosaso , Berina waxaa xigi doonta Garoowe ama qardho hadaba shaqsigaan ku caanbaxay siyaasadda Baraf ka ee laga hagayo Muqdisho yaan dalka faraha looga qaadin ilma adeerayaal , goor aan wax laga qaban Karin yaan laga qoomamayn u dalkuna bur buro.

W/Q: Mohamed Osman Mohamud
Email: Mohamedcadde78@gmail.com

 

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Puntland Hagar daamadda sokeeye halaga daayo. W/Q Yuusuf Cumar

$
0
0

Puntland Hagar daamadda sokeeye halaga daayo
Mashruuc5@hotmail.com
Yuusuf Cumar
February 4, 2016

 

unnamedPuntland waa maamul soomaaliyeed oo ka taliya dhul aad u balaaran iyo laba badood.dadkii u dhashay iyo kuwii gobolada dalka kayimid ayaa mudo dheer uugu nool si nabad ah. hadii illaahay nicmo ku siiyo waa lagu shukriyaa dadkaagana waa loo cadaalad falaa.soomaali iska dhaafe puntland ajinabi farabadan ayaa ku nool oo ku haysta ganaacsi iyo amaan.

Dhanka kale puntland waxay leedahay,shisheeye aan la rabin hormar,hadana jecel in uu burubriyo oo lagu kala tago.Waa iyana jira gudaha soomaaliya dad laraba puntland dhibaato oo aan jirin sabab ku kalifta oo aan ka ahayn uun talo xumo wax magaradnimo iyo wax la xariira.lama garanayo waxay ka dheefayaan. hadaan intaa ka gudbo.

Waxaan aad u jeclahay hormarka iyo midnimada puntland iyo soomaaliya oo dhanba.waxaanse arkaa sida puntland ku socota hada ma qurxoona mana jeclayn in aan ka faaloodo arimaha qaarkood balse hadaan runta la dooxin markan oo kale dhibkaa inta ka badanaya run ahaan.waxaan arkaa puntland oo waayadan danbe aad moodo inay u dhaqmayso sida lagu yaqaan dhaqanka siyaasiyinta mogdisho.puntland siyaasiyiinteedu lagu ma aqoon,musuqmaasuq xad dhaafa,hogaamiye beenaale lagu tuhmo,go aan aan cadayn. puntland laguma aqoon siyaasiyiin kumilan mogidisho hadana puntland ah oo jiho aan lahayn lagu aamino.in iyada oo aan la helinba dawlad dhexe oo dalka ka talisa sibuuxda oo fadaraal ah in Putland arimaheeda mogdisho iska maamulato laguma aqoon putland hada ka hor. madaxda iyo siyaasiyiinta puntland u dhashay,in hadii qaar sidaa yeeleen oo mogdisho la fidhiyaan,in midkale oo isna u tagay halkaa lawada hoos fadhiistay in isagii danbiilo laga dhigoo la baacsado,qaarna la aamano loo heeso sidan laguma aqoon puntland.

Dr abdiwali madax waynaha puntland masiirka dadka iyo dalka in uu siduu rabo ku sameeyo puntland xaq miyuu u leeyahay? Mudug ma puntland bay kamitahay suaal ah saw hada isma waydiin karo hadynu nahay shacab daacad u ah puntland oo nin jecelaysi hoose meel iska dhigno?Dr Abdiwali miyuu ilaaliyay qodabkii dastuurka ahaa ee ku salaysnaa samaynta dawlad maamul goboleedyo kamid noqanaya fadaraalka inay shardi tahay laba gobol iyo wixii kabadan inay samaysan karaan state sida ragii ka horeeyay isaga u ilaasheen?Hadal ahaan iyo way kala tahay wax qoraal iyo xeer dawladeed ah hadaba waa aragnay oo ma inkirayo isagoo leh madaxwayne Dr gaas gobol iyo bar ma buuxin shuruudi state,laakiin dhanka kale waxaan aragnay dawladii dhexe ee fadaraalka,maamuladii kale ee fadaraalku aqon sanyahay iyo caalamkiiba oo ay galmudug si garba siman ah ay u dhinac fadhido puntland oo dr gaas matalayo ayadoo arintaa DR gaas uusan waxba ka dhihin balse uu wax laqaybsaday. hadaba dhab ahaan wuu aqoon sanyahay waana wada aragnaa in meel walba galmudug oo xukunta sida sharciga ah laba gobol oo ah mudug iyo galguduud in uu raali ku yahay fakirkan oo uu keenay Madax waynaha soomaaliya xasan sheikh oo dhisay galmudug,hadaba sow lama tuhmi karo in uu dr gaas damujadiid la shaqeeyo? muxuu gaas u cadayn la yahay ilaa hada sababta ku xanbaaraysa kala hadalka iyo ficilka is dhaafsan?

Madaxwayne gaas shirkii kismanyo in laysku fahmi waayay oo lagu kala tagay muusan sheegin iyo wuxuu ka yiri halkaa oo cad? hadna ilaa maanta dhab ahaan reer puntland mahayaan qoraal,cod iyo ficil ah in uu diiday isla goobtii arimahan 4.5 oo dadka soomaaliyeed diidan yihiin badan koodu puntland shacabkeedu haba ugu horeeyee? shirka ma ahayn mid lagu tashanayay gaba gabadiisii mogdisho ee wuxuu ahaa mid wax lagu sixiixayay ah go aan loo sheego caalamka wuuna dhacay iyagoo laysku waa faqay 4.5 suaashaa waxay tahay miyaan haynaa dr gaas oo leh maxaad been iiga sheegaysaan mana ogolaaday oo sixiixay heshiiskaan iyo puntland aahaan kuma jiro heshiskaan? miyaa la qasboo xoog ku sixiix baa layiri? dhanka kale raysal wasaaruhu si cad buu ula jiraa xasan sheikh wanaa u jeedaan isagoo ah siyaasi puntland u dhashay in uu raacsan yahay maxaa reer puntland uga hadli waayeen?

Aragtidan sow maha dr gaas iyo raysul wasaare cumar waxay xaq u leeyihiin inay hoos geeyaan masiirkii puntland iyo mustaqbalkiiba xasan sheikh iyo damujadiid laakiin nin kii kale ee u dhashay puntland ee madax Wayne xasan u dhawaadaa waa danbiile lacag la siiyay oo puntland duminaaya sidan miyaa sax noqotay? maxaa siyaasiga tusaale yar sida hada cabdisamad galan oo kale haduu kaba soo qaad utagay ileen waa siyaasiyee madax Wayne xasan sheikh oo dano ka dhexeeyaan maxaa loogu soo boodayaa,loogu gafayaa hankiisa iyo siyaasadiisa iyo danihiisa? kuwan aan uwada jeedno ee puntland duminaya ee indhaheena oo shan ah waxaa aad u jeedaan samaynaya,maxaynu u arki waynay? mise indhaheeno iyaga ma arkaan sida cabdisamad u arkaan oo kale? puntland hadii ragii hormuudka u ahaa inay iibiyaan raali looga wada noqday oo waliba halkii lagala xisaabtami lahaa runtii laga leexanayo oo duco laagu sii darayo hada adeer daaya dadku xaraashaka puntland haka wada qayb qaatee!!

GUNAANAD

Punland sida uugu dhaqsaha badan 3 arimood waa in loo xaliyaa,uugu horayn madaxwayne dr gaas waa in uu cadeeyaa Gaalkacayo iyo waqooyiga mudug ama dagmooyinka ay leeyihiin shacabka puntland xeerka dawliga ah ee soomaaliya oo leh dawlad fadaraal ah oo la aqoon sanyahay ma waxaa loo aqoon sanyahay oo dawladu u aqoon santahay in dagmooyinkaasi yihiin gamudug state mise puntland state? waxaa markaa sax noqonaya kii dawladu aqoon santahay ogaada taas. markaa waa in shacabka runta lagu dhaqaa hagardaamadana laga daayaa iyo ganaacsiga.

2.In dr gaas cadeeyo halka uu ku diiday 4.5 iyo goorta uu diiday madaama go aankii uu fadhiyay lana cadeeyay in laysla qaatay oo laysku wada raacay nidaamkaas sanadkaan loo dhisi doono dawladii badali lahayd tan hada jirta iyo baarlamaan cusub. si kalsoonida shacabka puntland iyo dawladooda iyo dadka dhexdiisaba ulumin kalsoonidu cadayn dhab ah ayaa larabaa. ninkii dr cabdiwali u raba jaga haku siiyo iyo waa inaadeerkaa iyo shilimaad ka hel adeer tani waa kaduwan tahay waa aayaheenii nina kayeeli mayno.
3.Bari bulhaankaa ka baxaya,maha mid si fudud ku dhashay ee waxaa keenay talo xumo iyo ku xad gudbid xuquuqdii siyaasadeed ee bari iyo danahoodii oo la tix galin waayay.xaq bay uleeyihiin inay u istaagaan dantooda laguna tix galiyo waayo waa muwaadiniin reer puntland ah wax garadna ah oo xadaari ah.maha in siyaasigooda la caburiyo fasirkalaa imanaya doodna maha ninbaa xasan u tagay adoo ku milanba!! tani waa tabasho shacab uun dawladu ha qanciso dadka.Bari waxaan leeyahay puntland aynu wada ilaashano xaqiina miiska la imaada nabada ogaada maha xili la dagaalamo gacanta laga hadlayo ayaan diidayaa,dib haynoo celinina dadku waa ehel.

Puntland shacabku maxuma laakiin waa in aan loo fakarin in wixii la doono layska sameeyo adoo iyaga matalaya.intan aan kor kuxusay waxaan ula jeedaa in dawlada puntland hogaan keeda sare iyo dawladuba cadayso arimaha u keeni kara puntland dhexdeeda was waas halaga saaro dadka was waaska,halaysu baadi goobo miis wada hadal akhyaarta puntland haysugu yimaadaan,culays yadan ayaamahan soo kordhay iyo xiligaan kala guurka dadka halaga dabaal siiyo.anigu difaaca shisheeyahaan badiyaaye arimaha sokeeyaha ma jecli kumana kacsani dr gaas si gaar ah balse waa taageeraa laakiin kayeeli maayo wax aan u arko in uu wax u dhimi karo aayaha puntland waayo isagu waa shaqaale xil aan u dhiibanay xili go an uun,rag baa ka horeeyay waa tageen,ragna waa ka danbayn markaa waxaa muhiim ah danaha dhaw iyo kuwa fog ee puntland shaqsi dhib malaha waana fiicnaan karaa waana xumaan karaa,kolkaa wax sixid baan rabaa iyo in dadku fahmaan in aan hogaamiyaha lagu raacin khaladkiisa iyo waxa wax u dhimaya danaha guud ee puntland.Adeer hadaynaan gaas la xisaabtamaynin waa khalad in cidkale farta lagu fiiqaa oo reer puntland ah waa hadaynu rabno danteena iyo aayaheena dhab ahaan.DR gaas hadii uu shacab ahaan naga qanciyo si geesinimo leh oo cad 1.arinta mudug,mawqif cad oo uu isagu ka taagan yahay? 2. Doorashada 2016 mawqif cad oo uu isagu ka taagan yahay? labadaa arimood hadii isagoo la tashanaya reer puntland uu go aan cad ka istaago anaguna waxaa balan nagu ah in aan dib ugu doorano puntland isla markaana wuxuu noqonayaa nin soomaali oo dhami ku aaminto go aan adaygiisaa iyo mawqifkiisaa cad wuxuuna u dalici madaxwayne soomaaliyeed ilaahay idamkiis.anagu hogaan fiican ayaan rabnaa cidna ma diidanin .puntland waa jirtay waana jiri doontaa inshaa allaah waana is afgaran doonaa waayo waxaynu nahay dad leh xadarad iyo ilbaxnimo filwayn.

Yuusuf Cumar Mashruuc5@hotmail.com

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Ciidamada dowladda oo weerar gaadmo ah ku dilay dagaal-yahanno ka tirsan al-Shabaab

$
0
0
al-Shabaab ayaa horay weerarro gaadmo ah ugu qaadi jirtay ciidamada dowladda

al-Shabaab ayaa horay weerarro gaadmo ah ugu qaadi jirtay ciidamada dowladda

Muqdisho (RBC Radio) Weerar ay ku qaadeen galinkii dambe ee shalay oo Arbaco ahayd,ciidamada dowladda,dagaal-yahanno ka tirsan al-Shabaab oo ku safrayay gaari ayaa la sheegay in lugu dilay ugu yaraan siddeed dagaal-yahan oo ka tirsan kooxda dowladda ka soo horjeeda ee al-Shabaab.

Waxaa laga fuliyay weerarkan deegaanka Cali Foolaay oo hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe ee koonfurta Soomaaliya,sida ay sheegeen mas’uuliyinta gobolka.

Siddeed [ 8 ] dagaal-yahan oo ka tirsan al-Shabaab ayay ciidamada dowladda ka warheleen inay ku safrayaan gaari,meel ku dhow deegaanka Cali Foolaay ee gobolka Shabeellaha dhexe,waxuuna ahaa weerarka mid guuleystay,”sida waxaa u sheegay warbaahinta sarkaal ka tirsan laamaha ammaanka gobolka Shabeellaha dhexe.

Ururka al-Shabaab,wali kama aysan hadlin weerarka,mana jirto ilo madax banaan oo xaqiijinaya,marka laga soo tago saraakisha u hadashay dowladda Soomaaliya.

Ciidamada dowladda ee ku sugan deegaannada ku dhow dhulka ay ka taliyaan al-Shabaab ayaa maalmihii dambe fulinayay weerarro ay ku beegsanayaal dagaal-yahanno ka tirsan ururka al-Shabaab.

Bartamihii bishii hore ee Janaayo ayaa weerar xooggan waxaa fuliyay ururka al-Shabaab oo marka deegaanka Ceel-cadde ku dilay ugu yaraan boqol askari oo ka mid ah ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM oo saldhig deegaanka ku lahaa.
__
RBC Radio

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Madaxweyne Obama: ” Diinta Islaamku waxay ku saleysan-tahay nabadda” (Sawirro)

$
0
0

Obama delivers remarks at the Islamic Society of Baltimore mosque in Catonsville, Maryland

Baltimore (RBC Radio) Madaxweynaha Marekanka,Barack Obama ayaa markii ugu horreysay booqday Arbacadii shalay,masjid ku yaalla magaalada Baltimore gobolka Maryland ee dalka Maraykanka,isagoo marka jeediyay khudbad uu ku muujiyay diinta islaamka inay ku saleysan-tahay nabadda.

Madaxweynaha oo masjidka ka hadlayay waxuu sheegay maamulka masjida iyo maslimiinta masjidka isagu timid inay-yihiin dad Marekan ah oo haddana howlkar ah,isagoo marka sheegay dadka Marekanka inta badan inaysan booqan masaajidda.

Waxaa kalo uu madaxweyaha Marekanka uu sheegay dadka Marekanka inay-yihiin hal qoys,waxuuna marka sheegay in dadka Maraykanku ay inta badan Islaamka la xiriiriyaan argagixisada,waxuuna inta raaciyay fikradda inay tahay mid an sax ahayn.

Masjikan,sida kuwo kale oo badan oo ku yaalla dalkeena,waa taarikhda dadka Marekanka,waxad magaalada qayb ka ahayden nus qarni,idinkoo u adeegay kumanaan qoys,qaar halkan ku noola toboneeyo sanno iyo muhaajirin halka u yimid,sidii ay u noqon lahaayeen Marekanka isla weyn,”ayuu yiri Obama.

Isagoo la hadlayay dadka aan imaan masaajidka islaamka ee Marekanka ah,inay ka fikiraan kaniisadaha ay diimahooda u tagaan,isagoo marka sheegay masjidka inuu yahay goob ay islaamku ku xasaan illahay,ayna ku muujiyaan jaceelkooda.

Obama waves farewell to students after his remarks at the Islamic Society of Baltimore mosque in Catonsville, Maryland

Sida dadka Marekanka ah oo dhan,waxad ka wal walsan-tihiin khatarta argagixisada,waxaa inta dheer haddii ad tihiin muslimiinta Marekanka in bulshadiina dhammanteeda inta badan in lugu bartilmaamsado falalka tiro yar darte,”ayuu ku darey hadalkiisa madaxweyne Obama.

“Kunsanno ka hor,waxaa dadka diinta islaamka lugu soo galiyay farrinta nabadda,ereyga islaamka waxaa uu ka-yimid salaam oo ah nabad,isbariidinta rasmiga ahna waa asalaamu caleykum oo ah nabadi korkiina ha ahaato,”madaxweyne Obama ayaa sida sheegay isagoo dhaqanka islaamka ka hadlaya.

Madaxweynaha Marekanka oo soo xiganaya nabigeenna Mohamed (NNKH),waxuu sheegay marka  in nabiga uu yiri qofkii doonaya inuu janada galo inuu dadka ula dhaqmo sida uu isagu jacel-yahay in loola dhaqmo,waxuuna inta ku darey isagoo yiri “Qof masiixi ah sideyda oo kale waxay ila tahay in arrinta ay tahay wax la garanayo

Waxaa kalo uu soo xigtay aayad qura’aan ah oo dhaheysa ” Dad-yahow waxan idin ka abuurnay shacuur iyo qabiilo si aad isku garataan”.

Khubadiisa ayuu ku daray,sidoo kale aayado qura’aan ah oo ka hadlaya aqoonta iyo in diintu caddeysay dilka qofka aadanaha ah inuu  reeban-yahay,waxaa hoggaamiyayaasha islaamka uu u sheegay inay cod dheer ku diidan dhibaatooyinka loo geysanayo dadka laga badan-yahay ee ku nool waddamada kale ee caalamka.

Dadka islaamka ah ee Marekanka ayuu tilmaamay inay ku jiraan bulshada qaybaheeda oo ay ka qayb qaataan badbaadinta dadka Marekanka ah,waxuuna dhaliilay dadka wax ka sheega islaamka Marekanka.

Waxaa loo qaatay in Obama, uu dhaliilayo hadalo ka dhan ah Muslimiinta oo uu jeediyay ninka doonaya in uu u tartamo madaxtinimada Maraykanka Donald Trump iyo kuwa kale.

Ugu dambeyn,waxuu sheegay madaxweynaha Marekanka in hadallada wanagsan ay guulaysanayaan,taasina ay isaga kalsooni iyo imaan siineyso,waxuuna khudbiisa ku soo gaba-gabeeyay nabad-galyo iyo naxaris korkiina ha aahato oo u afka ingiriiska ku yiri,isagoo illahay u baryay in dalka Marekanka uu barakeeyo.

Waxa ugu weyn ee ku soo beegay xilligan inuu madaxweyne Obama booqdo masjim,waxaa lugu sheegay inuu ka radainayo,wax dhaxal-gal ah inuu uga tago Marekanka,maaddaama uu dhawaan xilka ka degayo muddo todban sanno ah oo u Marekanka maamullayay,kaddib.

Obama delivers remarks at the Islamic Society of Baltimore mosque in Catonsville, Maryland Obama delivers remarks at the Islamic Society of Baltimore mosque in Catonsville, Maryland Obama smiles during remarks at the Islamic Society of Baltimore mosque in Catonsville, Maryland A Secret Service agent keeps watch as people gather in anticipation of remarks by Obama at the Islamic Society of Baltimore mosque in Catonsville, Maryland Secret Service agents stand watch nearby as Obama delivers remarks at the Islamic Society of Baltimore mosque in Catonsville, Maryland Ellison applauds with other members of the audience as U.S. President Barack Obama delivers remarks at the Islamic Society of Baltimore mosque in Catonsville, Maryland Obama delivers remarks at the Islamic Society of Baltimore mosque in Catonsville, Maryland Obama goes without shoes, out of deference, as he delivers remarks at the Islamic Society of Baltimore mosque in Catonsville, Maryland Copies of the Koran sit on chairs, including those reserved for White House staff members, in a room prepared for remarks by Obama at the Islamic Society of Baltimore mosque in Catonsville, Maryland Shoes removed by visitors out of reverence sit on a shelf marked "reserved" prior to remarks by Obama at the Islamic Society of Baltimore mosque in Catonsville, Maryland People gather in anticipation of remarks by Obama at the Islamic Society of Baltimore mosque in Catonsville, Maryland

__
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Diyaaraddii Daallo oo looga shakisan-yahay inuu qarax ka dhex-dhacay

$
0
0

diyaarada-duleelsamatay

Muqdisho (RBC Radio) Baarayaal Marekanka ah ayaa sheegay inay uga shakisan-yihiin shiilkii ku dhacay Isniintii toddobadkan diyaarad ay lee’dahay shirkadda Daallo inuu ahaa qarax ay soo abaabulen ururka al-Shabaab,sida ay baahiyeen warbaahinta caalamka.

Diyaaradda oo u socotay Jabuuti ayaa si degdeg ah ugu degtay Muqdisho, iyada oo ka daloosha dhinac,waxaana dadkii sarna laga soo xigtay inay maqneel dhawaaq aad u sarreeya.

Saraakil u hadashay dowladda Marekanka ayaa si cad u sheegay in baarayaasha ay rumeysan yihiin al-Shabaab inay ku kacaan falkaas, balse ma jirto sheegasho ka timid ururka ka dagaallama gudaha dalka ee al-Shabaab.

Waxa ugu weyn ee sababay shilkan,waxaa lugu tilmaamay in maado ka sameysan waxyaabaha qarxa ay suura gelin karto inay qaraxday, taasoo lagu magacaabo aalada TNT,warbaahinta Mareykanka ayaa arrintan si aad ah uga hadlaya, iyagoo sheegaya in wali FBI aysan arrintan ka hadlin.

Dhinaca kale,dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo baxay ku sheegay meel wanagsan inay marinayaan baaritaanka ku aadan diyaarada shirkadda Daallo,waxa sababta u ahaa shilka ku dhacay.

Waxaa ay horay dowladdu u sheegtay in guddi u saartay baaritaanka diyaaradda, inkastoo aan wali soo bixin natiijada baaritaanka, hase ahaatee warbaahinta caalamiga ah ayaa si aad ah wax uga qoraya arrintan.

Wasiir ku-xigeenka gaadiidka iyo duulista hawada ee Xukuumadda Soomaaliya,Maxamed Isaaq Cismaan oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in guddi loo saaray arrintaas, inay rajaynayaan waqti dhow inay soo saaran natiijada baaritaanka.

Guddi ka kooban hey’adaha ammaanka, Wasaaradda iyo dad kale oo khubaro ah ayaa loo saaray sababihii keenay dhibkaas diyaarada ku dhacay, arrintaasna wali waa lagu jiraa”ayuu yiri wasiir Maxamed Isxaaq oo maka u warramayay idaacadda afka dowladda ku hadasha.

Hal ruux ayaa ku dhintay shilka ka dhacay diyaarada, kaasoo ka dhex baxay duleel ka sameysmay diyaarada markii uu ka dhex dhacay wax u eg qarax, waxaana sidoo kale dhaawacyo fudud soo gaaray labo ruux oo ka mid ahaa rakaabka diyaarada.

Shilkan waxuu sababay inay istaagan dulimaadyadii caalamiga ahaa ee garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho,mana jirin diyaaraddo ka soo degay shalay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde.

__
RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Madaxweynaha Puntland oo soo gaba-gabeeyay safarkii uu ku joogay Boosaaso

$
0
0

Sawirka-Madaxweyne-GaasGaroowe (RBC Radio) Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Gaas oo muddo ku sugna magaalada ganacsiga ah ee Boosaaso ayaa si rasmi ah usoo gaba-gabeeyay safrka,sida waxaa sheegay afhayeenka madaxtooyadda Puntland.

Cabdiweli ayaa maanta ka soo tagay Boosaaso,isagoona soo maraya deegaannada ku tedsan laamiga ee ka tirsan gobollada Bari iyo Karkaar,waxaana safarka madaxweynaha uu ku soo aadaya xilli maalmihii dambe ay ka dhacayeen Boosaaso,rabshado dowladda lugu diidan-yahay.

Waxuu madaxweynaha ku soo laabanaya magaalada Garoowe oo caasimad u ah Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalmahaan ku sugnaa Caasimada ganacsiga Puntland ee Boosaaso ayaa saaka usoo ambabaxay Caasimada Puntland ee Garoowe isagoo Madaxweynuhu ku hakanaya Degmooyin ka tirsan Gobolka Bari iyo Magaalo Madaxda Karkaar ee Qardho,”sida waxaa bartiisa Facebooka ku sheegay afhayeenka dowladda Puntland,Cabdullaahi Quran-jecel.

Cabdiweli intuu joogay Boosaaso,waxuu kulamo la qaatay mas’uuliyinta dowladda ee halka ku sugan iyo bulshadda qaybaheeda,isagoo horay usoo furay garoonka diyaaraha Boosaaso oo dib loo dhisay.
__
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

DAAWO SAWIRRO: Madaxweyne Gaas oo Qardho gaaray

$
0
0

IMG_2369

Qardho (RBC Radio) Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wafti Ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa saaka 04-Feb-2016 kasoo amba-baxay magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari isagoo kusoo jeedaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa intaanu gaarin magaalada Garoowe waxaa uu ku hakaday magaaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar, halkaas oo ay ku soo dhoweeyey Wasiiro, Xildhibaano, maamulka heer Gobol iyo Heer Degmo iyo dadweyne kale oo tiro badan.

Madaxweynaha ayaa intaasi kadib waxaa uu kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Qardho Cuqaasha, Nabadoonada, iyo Maamulka Gobolka iyo kan Degmada.

waxaana uu Madaxweynuhu ka xog-waraystay masuuiyiintaasi uu lakulmay xaaladda guud ee Nabad-gelyada Gobolka iyo Maashaariicda horumarineed ee Dawladdu ka wado Magaalada Qardho, waxaana ay u sheegeen Nabad-gelyada Gobolku in ay tahay mid sugan, mashaariicdii horumarineedna ay si dar-darle u soconayaan.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Waftigiisa ayaa waxay kulan qado sharaf ah waxaa ay kula qaadan doonaan Cuqaasha iyo wax-garadka Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Qardho, kadibna waxaa ay uga sii gudbi doonaan magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland.

IMG_2314 IMG_2334 IMG_2353 IMG_2354 IMG_2356 IMG_2362 IMG_2365 IMG_2369 IMG_2371 IMG_2375 IMG_2379 IMG_2380 IMG_2381 IMG_2388 IMG_2391 IMG_2394 IMG_2402 IMG_2409 IMG_2411

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND.

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Wasaaradda Beeraha iyo waraabka Puntland oo Cagaf ku wareejisay Beeralayda gobalka Nugaal (Sawirro)

$
0
0

???????????????????????????????

Garoowe-(RBC Radio) Wasiirka Beeraha iyo waraabka Puntland,Wasiirka kuxigeeka iyo xubno ka socday Wasaaradda Beeraha iyo waraabka Puntland ayaa kormeer ku tagay dhul beereedka jibagale ee Gobalka Nugaal waxaana ay ku wareejiyeen iskaashatada beeralaydaasi gaari cagaf cagaf ah.

Gaarigaan Cagaf Cagafta ah oo noociisu yahay nooca lagu fasho beeraha ee loo yaqaan saamo oo wadata qalabkeeda ayaa waxaa beeralayda ugu deeqday Hay,ada ICRC oo kaashanaysaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Puntland.

Wasiirka Beeraha iyo waraabka Puntland Eng.Cabdulaahi Cali Xirsi oo ka goobta wareejinta ka hadlay ayaa ku amaanay iskaashatada beeraylada gobalka Nugaal gaar ahaan iskaashatada Beeralayda Jibagale iskuxirnaanta,iskaashiga iyo wax wada qabsiga ay sameeyeen waxaana uu ku tilmaamay inay ku dayasho Mudan yihiin.

???????????????????????????????

Wasiirka ayaa sidookale amaan u soo jeediyey Maxamed Salaad oo ah ganacsade beero waaweyn ka sameeyey gobalka Nugaal gaar ahaa jibagale waxaana uu u soo jeediyey ganacsatada kale ee reer Puntland inay ku baraarugaan khayraadka dhulkooda ka buuxa oo ay maalgashi ku samaystaan dalkooda.

Wasaaradda Beeraha iyo waraabka Puntland ayaa dadaal dheer ugu jirtii sidii ay horumar u la taaban karo ay ugu samayn lahayd wax soo saarka beeraha Puntland waxaana dhawaan gaari noocaan oo kale ah ay wasaaradu ku wareejindoontaa hadii alle idmo iskaashatada beeraleyda Jiidali ee Gobalka Sanaag oo kamid iskaashatooyinka ugu waaweyn beeralayda Puntland.

Sawirro

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

____

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo Deeq Gaadiid kala Wareegtay Dawladda Masar (Sawirro)

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah kala wareegtay deeq gaadiid iyo qalab-xafiiseed dawladda Masar, waxana Munaasabadda wareejinta ka qeyb galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdalla Xuseen Cali iyo Safiirka dawladda Masar Waliid Ibraahim.

Danjire Waliid oo ugu horeyn saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in gaadidka maanta ay ku wareejiyeen Wasaaradda Gaashaandhigga uu qeyb ka yahay taageerada Dowladda Masar ay la garab tagaantahay Dowladda Federaalka ah ee Somaaliya.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdalla Xuseen Cali, ayaa u mahadceliyay Dowladda Masar gaadiidka ay ku wareejisay oo uu sheegay inay wax weyn ka tari doonaan tayeynta iyo dib u dhiska Wasaaradda, isagoo xusay in dawladda Masar ay sidoo kale ugu deeqday Qalab xafiiseed.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini oo dhawaan booqasho ku tagey dalka Masar, ayaa dalkaas kala soo hadlay sidii gacan looga siin lahaa horumarinta Wasaaradda.

IMG_0427 IMG_0458 IMG_0469 IMG_0481 IMG_0489 IMG_0500 IMG_0523
__
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya oo looga hadlay Shilkii Diyaaradda Daallo iyo muwaadinkii ku dhintay shilka oo magaciisa la shaaciyay

$
0
0

unnamed

Muqdisho (RBC Radio) Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Mudane Maxamed Cumar Carteh, waxaana kulankan looga hadlay qodobo kala duwan oo kamid tahay shilkii Diyaaradii Daallo ee ka duushay Muqdisho kuna siijeeday Jabuuti iyo Ammaanka guud ee dalka.

Golaha Wasiirada ayaa ugu horeyn, warbixinta amniga ka dhageystay Wasaaradda Amniga Gudaha oo tilmaamtay in dhowrkii maalmood ee ugu danbeeyey ay daganayd xaaladda guud ee dalka marka laga reebo falal kooban oo kooxaha nabadda diidan ay ka sameeyeen qaar kamid ah gobollada dalka iyo Caasimadda, isagoo xusay in Ciidamadda Ammaanka ay wadaan baaritaano looga hortagayo cid walba oo dhibaato ku ah amniga dalka.

Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista hawada ee Xukuumada Soomaaliya cali jaamac Jangeli, ayaa golaha siiyey warbixin horudhac ah oo ka soo baxday shilkii Diyaaradda Daallo. Wasiirka ayaa sheegay in baaritaan horudhac dhac ah oo la sameyey uu muujinayo tuhumo cadeyn dheeraad ah u baahan oo aan looga maarmayn in lala kaashado khubaro caalami si loo xaqiijiyo wixii sababay shilkaasi diyaaradeed.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa tilmaamay in sida ugu deg-degsan looga sal-gaari doono natiijada baaritaankan, isagoo balanqaaday in dawladdu adkeyn doonto amniga Garoonka si looga hortago khatar walba oo imaan karta. Wuxuna xusay baaritaan la sameeyey ka dib in Muwaadinka lagu magacaabo C/laahi Cabdisalam Boorle uu ku dhintay shilkaas diyaaradeed, isla markaana ay ku dhaawacmeen labo muwaadin oo kale.
__
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Madaxweynaha Puntland oo digniin culus u diray shaqsiyaad uu ku sheegay inay doonayaan sidii ay Puntland khal-khal ugu abuuri lahaayeen (Dhagayso+Sawirro)

$
0
0

IMG_2578
Garoowe (RBC Radio) Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayey ayaa galabta 04-Feb-2016 waxaa si aan loo kala harin loogu soo dhoweeyey magalaada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland.

Soodhoweynta Madaxweynaha ayaa waxaa ka qabayb qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada Puntland Cabdixamiid Sheekh, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil ciidan iyo boqollaal dadweyne ah kuwaas oo ku-labisnaa dharka hiddaha iyo dhaqanka iyo dhar laga tolay Calanka Dawladda Puntland iyo Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa soo dhoweynta kadib waxaa loosoo gelbiyey Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe, halkaas oo uu Madaxweynuhu Warbaahinta qaybeheeda kala duwan kula hadlay.

Madaxweynaha ayaa ugu horrayn uga mahadceliyey shacab weynaha reer Puntland ee ku dhaqan magaalada Garoowe sida qiimaha iyo waddaniyaddu ka muuqato ee ay u soo dhoweeyey, isla markaasna waxa uu madaxweynuhu ka-warbixiyey shirarkii ay magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo kaga qayb galeen kuwaas oo fashil ku soo dhammaaday iyo Safarkii Madaxweynaha ee Boosaaso.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xusay in shirkii Muqdisho markii uu burburay ay go’aan ku qaateen in ay talada kusoo celiyaan shacabka Puntland si’ay shacabka Puntland ay go’aan uga gaadhaan masiirkooda, isla markaana ay dhowaan Puntland ka bilaaban doonaan shirar wada tashiyo ah oo u dhexeeya Dawladda Puntland iyo Shacabkeeda.

“Talada waxaanu kusoo celiney dadka reer Puntland, haddana waxaanu u fadhisan doonaa wadatashiyo inaanu yeelano anaga, golayaasha dawladda, shacbiga,ururada bulshada iyo siyaasiyiintu in aanu tashi ka yeellano waxaanu ka yeeleyno Soomaaliya”ayuu yiri Madaxweyne Dr.Gaas.
IMG_2700
Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay Garoowe Imaan doonaan wufuud caalami ah kuwaas oo doonaya in ay si dhab ah u ogaadaan dareenka shacabka Puntland iyo dawladdiisaba ee kuu aaddan nooca doorasho ee la filayo in ay dalka kaqabsoonto bilaha August iyo September.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa digniin u diray shaqsiyaad isku deyey in ay khal-khal ka abuuraan Puntland isla markaasna ay kala dhantaalaan mashaariicda horumarineed ee Dawladdu ka wado Magaalooyinka waaweyn ee Puntland, isla markaasna ay iska horkeenaan shacabka walaalaha e Puntland.

“waddanka horumar ayaa ka- socda, waxaan rabaa horumarkaa in aan la-shaashayn oo aw-kiraalayaal meelo kale laga soo ijaartey aysan caqabad ku noqon oo nabad-gelyada wax u dhimin”

“Dawladda Puntland waxaa ka go’an qofkii shiddo layimaada Puntland in ay gacan bir ah iskaga qabanayso oo aanay amnigeeda cidna wax gor-gortan ah kala geleyn” ayuu yiri Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali.

Hoos ka dhagayso shirka jaraa’id ee madaxweynaha


IMG_2472 IMG_2474 IMG_2476 IMG_2480 IMG_2484 IMG_2490 IMG_2493 IMG_2496 IMG_2499 IMG_2515 IMG_2520 IMG_2521 IMG_2527 IMG_2530 IMG_2532 IMG_2545 IMG_2549 IMG_2555 IMG_2573 IMG_2577 IMG_2578 IMG_2585 IMG_2605 IMG_2614 IMG_2620 IMG_2623 IMG_2626 IMG_2648 IMG_2691 IMG_2695 IMG_2697 IMG_2700 IMG_2707

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA PUNTLAND

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Wasaaradda warfaafinta oo ugu baaqday warbaahinta madaxa banaan iyo ururada buslahada inay soo gudbiyaan xubnaha uga mid noqonaya guddiga saxaafadda Soomaaliya

$
0
0
Wasiirka warfaafinta Somalia

Wasiirka warfaafinta Somalia

Muqdisho (RBC Radio) War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya ayaa lugu sheegay in warbaahinta madaxa banaan iyo ururada bulshada ay soo gudbiyaan xubnaha uga mid noqonaya guddiga madaxa banaan ee saxaafadda Soomaaliya.

Waxaa lugu sheegay warka ka soo baxay wasaaradda warfaafinta in muddo toban cisho ah laga dhowrayo shaqsiyaadka matalaya warbaahinta madaxa banaan iyo ururada bulshada,kuwaaso xubno ka noqonaya guddiga saxaafadda Soomaaliya.

Hoos ku dhufo si aad u akhrisid,warsaaxafdeedka wasaaradda

GSS
__
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Jubbaland oo ogaalatay go’aankii shirkii Muqdisho,kana hortimid maamul KMG ah in loogu yeero (Video)

$
0
0

Untitled

Kismaayo (RBC Radio) Madaxweynaha Jubbaland,Sheekh Axmed Madoobe ayaa sheegay inay ogaaladeen hanaanka qabaa’ilka ee 4.5 in lugu soo dhiso baarlamaanka cusub ee Soomaaliya,markii ay Kismaayo tageen wakiilada beesha caalamka ee dalka u jooga.

Jubbaland ayaa horay uga biya-diidaneyd 4.5 in dib loogu laabto,waxaana dadka degga deegaannada ay soo gudbiyeen hab deegaan iyo gobol in lugu soo dhiso labada aqal ee aas aaska u ah dowladda dhexe.

Xubnaha beesha caalamka ee Khamiistii shalay tagay Kismaayo,waxaa hoggaaminayay ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya,Michael Keating,waxaana ay kulan toos ah la qaaten madaxweynaha Jubbaland,madaxda maamulka iyo xubno ka socday bulshada qaybaheeda.

Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay shirka u dhaxeeyay Jubbaland iyo beesha caalamka ayaa si cad u sheegay marna inaysan ogaleyn in dib loogu noqdo 4.5,balse Jubbaland ay u tanaasushey danta Soomaali weyn iyo sidii loosii wada socon lahaa, isagoo marka ka dalbaday Qaramada Midoobey in ay ka dhabeyso wixii lagu heshiiyey si sax ah.

Waxaa kalo uu sheegay arrimaha quseeya mustaqbalka Soomaaliya in laga fogeeyo danaha gaarka ah oo laga shaqeeyo danta guud,waxaa kalo uu marka si adag u sheegay in dhaqanka dowladda faderaalka iyo beesha caalamka ee ku aadan Jubbaland aanu aheyn mid la aqbali karo,sida uu sheegay.

Madaxweynaha Jubbaland,waxuu u sheegay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya in aanay sixiixi doonin warqad dambe oo ay ku xusan-tahay Jubbaland inay tahay maamul Kumeel gaar ah,waxaa uu sheegay inay diyaar u yahay waxii dhiman in laga wada-hadlo.

Jubbaland kal hore ayay kumeelgaarkii ka baxday, waxaase nasiib darro ah in wali waraaqaha ay beesha caalamka soo qoraan lagu qoro kumeelgaar, taasina ma ahan wax aan yeeleyno ama u dulqaadanayno,”ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ergeyga cusub u sheegey in xafiiska Qaramada Midoobey ku leeyihiin Kismaayo uusan ahayn mid si habboon ula shaqeeya dowladda Jubbaland, qabtana waajibaadkii loo igmaday.

Axmed Madoobe,waxuu u mahadceliyay waddamada Yurub,gaar ahaana.Denmark,Sweden,Italy,isagoo ku sheegay inay caawinad siiyaan maamulka uu madaxda ka yahay ee Jubbaland.

Waxaa kalo uu u mahadceliyay,Midowga Afrika iyo AMISOM,markaana waxuu ka tacsiyeeyay akarti uga dhimatay weerarka ay al-Shabaab ku qaadeen saldhig u yaalla deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo oo ka tirsan Jubbaland.

Madaxweynaha,waxuu been abuur ku tilmaamay diyaaradaha dagaalka ee Kenya inay gobolka Gedo ka fuliyeen duqeymo wax u geystay dad rayid ah.

Gaba-gabadii hadalkiisa,waxuu ku dhawaaqay Jubbaland inay ay aqbashay go’aankii ka soo baxay shirkii Muqdisho ee looga tashanahay doorashada dalka ka dhacaysa,dhammadka sanadka 2016.

Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya,Michael Keating ayaa isna ka sheegay madasha in waqtiga oo gaabis ah aawadi ay qasbeyso in la qaato nadiimka la doonayo doorashada inay ku dhacdo ee lugu go’aamiyay Muqdisho.

Waxa uu sheegey in Kismaayo uu u yimid muhiimadda ay leedahay darteed, “Ula jeed cad oo ku talogal ah ayaan halkan u imid, waxayna tahay muhiimadda ay leedahay Kismaayo iyo Jubbaland” ayuu yiri.

Sidoo kale,waxuu aammaanay madaxweynaha Jubbaland oo u marka ku sheegay hoggaamiye Soomaaliyeed.

Axmed Maxamed Islaam ma ahan oo kaliya madaxweynaha Jubbaland, ee sidoo kale waa hoggaamiye Soomaaliyeed”.ayuu yiri Michael Keating oo ah wakiilka QM ee Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay oo ergeyga Qaramada Midoobay uu booqdo magaalada Kismaayo tan iyo markii xilkan loo dhiibay,waxuuse ku guulaystay in Jubbaland ay ogalaato nidamka loo qorsheeyay doorashada in loo qabto,dhammadka sanadkan.

Hoos ka daawo warbixin ka hadlaysa beesha caalamka iyo Jubbaland

__
RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Madaxweyne Gaas oo shaaciyay Garoowe inay imaan doonan wafdi ka socda beesha caalamka oo ogaanaya dareenka shacabka Puntland ee ku aadan doorashada dalka ka dhacaysa

$
0
0

IMG_2697Garoowe (RBC Radio) Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Gaas ayaa sheegay wafdi ka socda beesha caalamka inay imaan doonan magaalada caasimada ah ee Garoowe,sida waxuu ku sheegay shir saxaafadeed uu ku qabtay xarunta madaxtooyadda.

Ujeedka booqashada ay ku imaanayaan xubnaha beesha caalamka Puntland,waxuu ku sheegay sidii ay si dhab ah ugu ogaan lahaayeen dareenka shacabka Puntland iyo dawladdiisaba ee kuu aaddan nooca doorasho ee la filayo in ay dalka kaqabsoonto bilaha August iyo September,isla sanadkan 2016.

Maalmaha soo socda,waxaa imaanaya Garoowe wafuud caalami ah kuwaaso doonaya inay ogaadan dareenka shacabka Puntland uga aadan doorashada dalka ka dhacaysa dhammadka sanadkan,maaddaama an talada dib idin ku soo celiyay,”ayuu yiri madaxweyne Gaas.

Jubbaland oo la mowqif ahayd ayaa ogaalatay go’aankii ka soo baxay Muqdisho ee ku aadana doorashada dalka ka dhacaysa,waxaase la filaya xubnaha beesha caalamka inay isku dayayaan sidii Puntland lugu ogaleysiin lahaa xildhibaannada dowladda dooranaya habka 4.5 in lugu soo xulo.

__
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Dallada Dhalinyarada ee ABYAN oo Baaq Nabadeed u dirtay Bulshada ku dhaqan gobolka Bari!!

$
0
0

 

Jaamac Xasan Barre(Ceeriin)

Jaamac Xasan Barre(Ceeriin)

Boosaaso(RBC Radio) Dallada Ururada dhalinyarada gobolka Bari ee ABYAN oo ah dallad ay ku mideysan yihiin ururada dhalinyaraada gobolka ayaa ugu baaqday dhammaan bulshada ku dhaqan gobolka iney ka shaqeeyaan xasiloonida iyo horumarka gobolka.

Guddoomiyaha Dallada Ururada dhalinyarada Puntland ee ABYAN Jaamac Xasan Barre (Ceeriin) ayaa sheegay in sheegay in bulshada Boosaaso uu usoo jeedinayo iney qeyb weyn ka qaataan horumarka gobolka iyo Puntland.

Jaamac Xasan Barre (Ceeriin) ayaa sheegay in Dallada ABYAN ku howlan tahay sidii ay wacyi-gelin buuxda u siin lahayd dhammaan dhalinyarada gobolka uguna dhiirigelin lahayd iney aqoonsadaan doorka waxqabad ee dalka kaga aadan.

Waxa uu sheegay in uu ka tacsiyeynayo dhammaan dadkii ku dhintay iyo kuwii dhaawacmay shaqaaqadii ka dhacday Boosaaso,allena kheyr uga baryayaan.

“”Fitnadu waa ay hurudaa lama kiciyo” Fadlan Dhammaanteen aan kawada shaqayno sidii loo joojin lahaa loona afqaban lahaa dhibaatooyinkii ina soo maray xal waarana looga gaari lahaa”“ayuu yiri Jaamac

Si kastaba Dallada Ururada dhalinyarada gobolka Bari ee ABYAN oo ah dallad ay ku mideysan yihiin ururada dhalinyaraada gobolka Bari ayaa la aasaasay sannadkii 2002-dii.

________

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

(Daawo +Dhegeyso)Hay’ada Wadooyinka Puntland iyo Gudiga Samaynta Waddada Wadaagsin oo Maanta Gaalkacyo ku so Bandhigay Qaab-qorsheedka Dhamaystirka Waddada.

$
0
0

Eng-Dalab-500x293

Gaalkacyo-(RBC Radio) Gudiga Taakulaynta iyo Aruurinta Tabrucaada Wadada Wadaagsine e isku Xirta Deegaanada Garacad iyo Galdogob ayaa Maanta so Bandhigay Qabqorsheedkii lo lo maamulay Lacagihii ay Dadku ay u so direen wadada Wadaagsin

Waxaa sidoo kale Gudigu uu Warbixin ka siiyay Warbaahinta Halka ay Marayo, Shaqada Wadada iyo Xiliga Rasmiga ah ee la dhamaystirodoono wadadaasi.

Eng-Omar-Dhere--500x313

Agaasimaha Hay’ada Wadooyinka Puntland Eng Maxamuud C/nuur Aadan ayaa sheegay in 21 KM oo ka mid ah Wadada wadaagsin la sameeyay,18 km oo kalana Waxa uu sheegay in lugu sameeyay Gacantii koobaad,Gacanta labaadna lugu Hagaajindoono Qalabka Birta culus ah oo dhawaan ay Hay.ada Wadooyinka Puntland Dalka Dibadiisa ka so iibsatay.

Nabadoon C/siis ow yuusuf Xaarin Iyo m Ganacsade Cumer C/dille (Cumer Dheere) oo ka mid ah Gudiga Uruurinta Tabrucada Wadada Waadgsin ayaa sheegay in sii dardargalindoonan Dhamaystirka Wadada Wadaagsin,waxayna jaaliyada ugu baaqen inay qaybtooda ka so qaatan.

ugu Danbaytii Gudoomiyaha Gobalka Mudug Xassan Maxamed Khaliif,oo so xiray kulanka lugu so bandhigayay Qorshada Samaynta Wadagsin ayaa tilmaamay in wadadan ay ka mid tahay kaabayaasha dhaqaale ee Gobalka mudug.

Halkaan ka daawo Vedio

Halkaan ka dhegeyso agaasimaha hay,ada wadooyinka Puntland.


______

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Maxaa ka dhaxeeya Puntland iyo Soomaaliland. W/Q Aadam Zaki

$
0
0

Maxaa ka dhaxeeya Puntland iyo Soomaaliland
Aadam Zaki
Aadan17@hotmail.com
February 6, 2016

maqaal3112122-300x3001-300x300411113-300x300Somaliland iyo Puntland xariirkoodu waa heer dagaal laakiin labaduba waxay leeyihiin Dekedo xariir aad u fiicanna waxay la leeyihiin Itoobiya . Galmudug iyo Punland sidoo kale Biyohooda badeed labaduba Itoobiya waa u furan yihiin hasa ahaatee labada shacab ee Soomaalidaa waxaa la dhex dhigay xabad iyo dagaal , Maamulka la maagan yahay in laga sameeyo Baladwayne waa inuu yeeshaa Biyo badeed sidaas awgeed waxaa la raaciyay Shabeelada Dhexe , Baydhaba waxaa lagu sidkay Marka , kismaayo si ay dhilka ‘’Barkaysan’’ ee Itoobiya xariirkiisa u ilaaliso waxaa sanka looga tolay oo la raaciyay Gedo .

Dakadda Berbera gaariga laga raro wuxuu toos iyo shiddo la’aan u tagaa Itoobiya laakiin inuu tago Garoowe waa ku adagtahay sidoo kale Boosaabo Xamuulka ka dhoofa Itoobiya sahal ayuu ku gala, suura galse ma ahan inuu Gaalkacyo u kala tallaabi ayadoon dhawr jeer la baarin baadna aan laga gurin . Mustaqbalka dhaw waxay Baladwayn diyaaar u tahay inay yeelato ‘’Madaxwayne’’ iyo deked u gaar ah si looga quudiyo baahida Itoobiya , Xamar iyada warkeeda wuu dhamaaday oo Shisheeyaaba maamula iskana diiday inay sheegaan Hantida kasoo xaroorta Dakadda iyo Garoonka .

Kismaayo gadiidka ka dhoofa wuxuu sahal uga tallaabi karaa Xaduud beenaadka Dooloow iyo Libooyo ayadoon sidaa loo eegin hassa ahaatee way adagtahay inuu gaaro B/xaawo asagoo bad qaba una raran Shacabka dhulka iska leh , sidoo kale Miisaaniyadda Dekedda waxaa maamula Xoogagga Shisheeye ee ilaaliya danaha dalalkooda soo dirsaday , qofka Soomaaligaa si kastaba wuu ugu dulman yahay Gurigiisa , sharaftiisa cid inay dhawrto xil iska saartay ma jirto , kamana muuqato ‘’Madaxda’’Soomaalida marka laga reebo qaar hadallo qurxan yiraahda laakiin ka akhlaaq hooseeya Abal Xakam oo lagu garan ogyahay Abuu Jahal.

Magaalada Marka waxaa baneeyay Ciidankii Uganda iiyo Maleeshiyaadkii garabka u ahaa , waxaana mar kale kusoo qulqulay Xoogagii Al-Shabaab aydoon wax dagaal ah uusan ka dhicin , kabixitaanka Ugandha ee Marka iyo Markii maamulkeeda la raaciyay Baydhaba micne gooni ah ayay leedahay . waxaan qabaa an loo baneeyay Ciidanka Itoobiya ee haattanba dhabarka u ah Maamulka Baydhaba , Magaalada Marka haddii ay saldhigtaan Ciidamada Itoobiya iyo Maleeshiyaadka Maamul Beeleedka Baydhaba waxaa furmaya jidka dheer ay Dakadda Marko uga qayb qaadan karto yaraynta Baahida Badeed ee Itoobiya .

Ciidanka Itoobiya si ay u tagaan Marka waa in loo baneeyaa Shabaab kadibna ay ka ‘’Xoreeyaan’’ dabcan ka xoraystaan ayaa mudan ‘’Madaxda’’ Soomaalida waxay xoog ugu mashquul san yihiin Xuduudaha Beelaha Soomaaliyeed iyo adkaynteeda sidoo kale waxaa agtooda Muqadas ka ah Xariirka Itoobiya uu la leeyahay Gobolkasta iyadoo ay adagtahay inuu qofka Soomaaligaa u kala Goosho asagoo xor ah , dilka iyo duqaynta Joogtadaa ee shacabka Soomaaliyeed ay ku hayaan shisheeyaha waxaa difaaca oo inay jiraan dhibaatooyinkaas beeniya ‘’Madaxda’’ ‘’Dawladaha’’ utaagan har iyo habayn raali galinta Shisheeyaha .

Kismaayo ilaa Hargaysa maamulada ku firirsan kuligood Itoobiya saaxiib dhaw ayay u yihiin laakiin ayagu isma arki karaan hal dalna waa wada yihiin !!!!

Aragtida Aadam Zaki
Aadan17@hotmail.com

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Viewing all 1830 articles
Browse latest View live