Mashruuca gumaadka oo ay waddo WHO
Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM
Columbus, Ohio, USA
alxassan@hotmail.com
February 7, 2016
![1]()
WHO (World Health Organization) oo ka wadda Kenya mashruuc in gabdhaha ma dhalays laga dhigo
Ururka Adduunka ee Caafimaadka oo ah laan ka mid ah Qarammada Midoobay waxay ku fadeexowday jariimo baaxad ballaaran leh oo si qarsoodi ah gabdhaha loo tallaalayo si ayan waligood caruur u dhalin oo ka socota dalka Kenya. Jariimadaas meel marinteeda waxaa gabbaad looga dhigtay wax muuqaal ahaan u eg in gabdhaha oo kali ah lagu mudayo tallaalka curdurka Teetanaha.
Ururka Takhaatiirta Kenya ee Katooligga ah (Kenya Catholic Doctors Association) waxay ogaadeen inuu tallaalkaas teetanuska ku jiro “antigen” keenaya inay gabadha lagu duro ay dhiciso oo cunugga soo tuurto marka tallaalkaas lagu mudo kaddib. Tallaalkaas waxaa lagu muday laba malyan iyo saddex boqol oo kun oo gabdho iyo haween, waxaana ku mudday tallaalkaas World Health Organization oo ah Ururka Caalamiga ee Caafimaadka iyo UNICEF oo ah United Nations Children’s Fund, ahna Sanduuqa Lacagta Loogu Kaydiyo Badbaadinta Caruurta.
Ma aha marka ugu horreysay oo ay WHO si qarsoodi ay dalalka soo koraya uga samayso si ballaaran gumaadka waalidiinta caruurta dhali lahayd.
Dr. Muhame Ngare, oo u hadla Ururka Takhtarrada Katoolikada ah, wuxuu xarunta isbitaalka Mercy Medical Centre ee Nairobi ka caddeeyey oo uu yiri:
“Waxaan shaybaarro (Laboratories) ku yaalla Jamhuuriyada Koofurta Afrika u dirnay lix qaybood ee tallaalkaas oo aan kasoo qaadnay shaybaarro ku kala yaalla meelo kala duwan ee Kenya, dhammaantoodna waxaa laga wada helay “HCG antigen”. Tallaalladaas oo idil waxaa ku qasnaa HCG.
Natiijadaasu waxay muujisay inay run tahay waxa ugu xumaa oo aan ka baqaynnay, oo ahayd inuu ololahaan ay waddo WHO uusan ahayn cirib goynta cudurka Tetanus oo caruurta dila marka dhashaanba, balse ay tahay qorshe si xoog ah loo maareeyey oo ujeedadiisu tahay in taranka lagu xakameeyo ayadoo loo isticmaalayo meel marinteeda xoog, si dadka looga dhigo kuwa aan caruur dhalin, ayadoo lagu isticmaalayo tallaal la hubo inuu dhalmada joojinayo.
Natiijadaas waxaa loo geeyey Wasaaradda Caafimaadka, ka horba intayan bilaaban meertada saddexaad ee tallaaliddaas, dhegse looma raaricin.”
Ngare wuxuu qabaa inay takhtarradu dhegaha taageen oo uu dareen galay markay WHO u sheegtay, Wasaaradda Caafimaadka ee Nigeria ay sheegtay in tallaalkaan Tetanus uu ka kooban yahay waxaan hore loo arag oo ah in shan goor qofka la tallaalayo in laba sano ka badan gudohooda, lana tallaalayo gabdhaha ku jira da’da caruur dhalidda oo kali ah.
Wuxuu kaloo yiri:
“Caadiyan (Tallaalka Tetanus) waxaan qofka tallaalnaa oo ku mudnaa saddex goor inta laba ilaa saddex sano u dhexeysa gudohooda, waxaanna tallaalnaa qof kastoo soo gala oo yimaada klinikada oo ay ka muuqato oo leh dhaawac furan, ha ahaado nin, haween ama cunug. Hadday ujeedadu (WHO oo gabdhaha tallaalaysa) tahay tallaalidda cunugga uurka ku jira, maxaa hadaba loo tallaalayaa laga bilaabo gabdhaha 15 sano jira? Ma guursan kartid jeer aad 18 gaartid. Sida caadiga ah oo caruurta loo tallaalo waa in la sugaa ilaa ay lix toddobaad ka gaaran.”
Mexico iyo Nicaragua ayaa horreeyey
Inay tallaalka Tetanus oo haweenka da’da dhalmada ku jira oo kali ah lagu tallaalo dalka Kenya uuna ku qasan yahay oo uu ku jiro HCG (Human Chorionic Gonadotropin) wax la yaresto ma aha.
Tan iyo 1972 ayuu Rockfeller Foundation si qarsoodi ah ula shaqaynayay WHO iyo shirkado kala duwan oo daawada sameeya ayna maalgeliyeen mashruuca la yiraahdo “Reproductive Health” ayna meel mariso WHO. Markaasay waxay soo saareen tallaal cusub ee cudurka teetanaha.
Ururka la yiraahdo Global Vaccine Institute waxay bilowga 1990 soo saartay warbixin inay WHO kormeere u ahayd mashruuc aad u ballaaran oo dad fara badan looga tallaalay cudurka tetanus dalalka Nicaragua, Mexico iyo the Philippines.
Ururka Comite Pro Vida de Mexico, ahna urur la xiriira Roman Catholic Lay Organization oo ku xiran kaniisadda katoolikada, waxaa shaki ka galay sababta ka dambaysa mashruucaan ay waddo WHO. Markaasay markay baareen quraarado badan oo tallaalkaasu ku jiro, sida Kenya manta looga baaray oo kale, waxay arkeen inay ku jirto Human Chorionic Gonadotrophin (HCG).
Taasna waxay la noqotay wax yaab leh inuu tallaal loogu tala galay daawaynta cudurka labada qal oo qofka isku qabta, kana dhasha infekshin ka yimaada dhaawac uu sameeyey musbaar miri leh, ama ka dhasha bakteriya ciidda ku nool.
Isla markaasna cudurka Tetanus waa nadir, maxaa hadaba looga baahan yahay xamladdaan ballaaran ee tallaalidda, hadana gaar ahaan haweenka oo kali ah?
HCG waa hormoon jirku sameeyo oo caadi ah, looguna baahan yahay inuu cunugga caloosha ku jira sugo oo uu uurka hooyo ku hayo. Markiise lagu daro suntan teetanaha sidda, wuxuu sababayaa inay samaysanto “Antibodies Against HCG” oo ah inuu jiro sameeyo difaac la dagaallama HCG, taasoo haweenta ka dhigaysa mid aan awood u lahayn inay cunugga uurka ku jira halkaas ku hayso oo ay mudadiisu kaamil noqoto, tassoo ah hab qarsoon oo soo rididda cunugga ah.
Baarid uu sameeyey Pro Fide waxay daboolka ka qaadeen arrinkaan: Rockfeller Foundation oo la shaqaynaya D.Rockfeller III’s Population Council (ahna Guddiga Taranka Adduunka) iyo the World Bank (Bangiga Adduunka), iyo UN Development Program (UNDP), iyo Ford Foundation, iyo kuwo kaleba waxay WHO kala shaqaynayeen tan iyo bilowga 1970 samaynta tallaal ka hortaga taranka dhalmada, ayagoo ku isticmaalaya HCG oo tetanus lagu daray iyo tallaallo kaleba.
LifeSiteNews oo ahaa kan ugu horreeyey oo daboolka ka qaaday fadeexadda Kenya, wuxuu gacanta ku dhigay warbixin shir lagu qabtay UN ee bisha Agoosto 1992 Xarumaha UN ee Geneva, halkaasoo ay isugu yimaadeen 10 aqoonyahan (Scientist) ka kala socda Australia, Europe, India and USA, iyo toban “Women’s Health Advocates” (Waana dadka u dooda inay gabdhuhu xaq u leeyihiin inay markay uur yeeshaan iska soo ridaan) oo adduunkoo idil ka kala yimid. Labadaas kooxood waxay shirkoodaas uga hadleen isticmaalidda “tallaal dhalmada xakameeya” (Fertility Regulating Vaccines).
Kulankaasu wuxuu tilmaamay inuu “Anti-Human Chorionic Gonadotropin” uu yahay midka ugu fiican (oo taas lagu gaari karo).
Waxaan shaki ku jirin in laba iyo labaatanka sano oo lasoo dhaafay uu tallaalkaasu sii hormaray oo uu si xoog leh uu cunugga uurka ku jira soo ridayo.
Hadda Kenya
Hadda in ka badan labaatan sano markay WHO iyo Rockfeller Foundation iyo kuwo kaleba la kashifay inay tallaalka tetanus oo caruurta soo rida siinayeen haweenka Mexico, Nicaragua iyo the Philippines, waxay dooneen inay isla waxaas ku sameeyaan Kenya, ayagoo u malaynayaa, malaha, inuu adduunku xusuus gaaban leeyahay.
WHO waxay bilowga 1990 isku dayday inay Kenya soo geliso tallaalka tetanus oo uu ku qasan yahay HCG, wayse ku fashilmeen kaddib markay Kenyan Catholic Doctors Association ka dhigeen oo ay markaas dawladda Kenya mashruucaas joojisay.
Markaanse, in kastoo ay hadana ka digeen dawladda hadda dhisani dheg uma raaricin sababo aan caddayn.
Ngare wuxuu kaloo ka hadlay habka laga baqo oo wax loo tallaalo, wuxuuna yiri:
“Waxaa loo oggol yahay in yar oo shaqaalaha dawladda ah inay wax tallaalaan, kuwaasoo wata boolis ayagaas ilaalinaya, markay tallaalka dhammeeyaanna way la tegayaan. Maxaa loogu dayn waayay shaqaalaha caafimaadka ee bartaas inay ayagu wax tallaalaan?
Uruka Takhtarrada Kenya (Kenyan Doctors Association) waxay sheegeen inay caddaymo jiraan inay Bill & Melinda Gates Foundation, oo ah mid ka mid ah kuwa ugu waawayn oo maalgeliya tallaalidda ka socota Afrika, uu ka dambeeyo gumaadka baaxadda wayn oo ay WHO damacsan tahay inay ka hirgeliso Kenya.
Kashifidda iyo baahinta arrinkaan oo uu ku kacay Kenyan Catholic Doctors waxaa ka dhashay inuu guddiga caafimaadka ee baarlamaanka Kenya (Health Committee of Kenya’s National Assembly) uu amar ka baxshay in la sameeyo baarid madax bannaan waxay sheegtay Catholic Church oo aha kaniisadda Katoolikada.
Is waydiinta ballaarani waxay tahay: meeqa dal oo kale ayaa WHO bartilmaameed u ah inay ka meel mariso makiinaddaan gaarga ah ee dilidda oo la yiraahdo “Tetanus Vaccine” (Tallaalka tetanuska)?”
Waxaa dhigay
F. William Engdahl
Kowda Maarso 2015
Asliga ingiriiska ah ka akhriso:
http://skowronka.blogspot.co.uk/2015/03/who-conducts-secret-mass-sterilisation.html
oo aan ka helay:
http://poetrania.blogspot.com/2013/04/visit-to-negash-ethiopia-site-of-worlds.html
Yaa iska leh virus-ka Zika
Who owns the Zika Virus? By Guillaume Kress
Global Research, February 03, 2016
http://www.globalresearch.ca/who-owns-the-zika-virus/5505323
Wuxuu yiri:
“Ururka Caalamka ee Caafimaadku (World Health Organization) isniinta kowda bisha Febraayo 2016 waxay ku dhawaaqday inuu Virus-ka Zika khatar ku yahay caafimaadka dadka adduunkoo idil, isagoo aan tafaasiil ka bixin cudurkaas. Intaan macluumaad dheeri ah ka heleynno intaan ayaa jirta tan iyo hadda:
Cudurkaan galmada la isugu gudbiyo waa jiray sagaal iyo lixdanka sano oo dambaysay, waxaana ka mushtara oo iibiya laba shirkadood oo kala ah: LGC Standards – oo xaruntiisu dalka ingiriiska ku taallo – iyo shirkadda ATCC – oo xarunteedu maraykanka ku taallo.”
Wuxuu yiri:
“And who owns the patent on the virus? The Rockefeller Foundation.”
Warkaas macnihiisu waxaa weeye:
“Yaana iska virus-kaan? Waxaa iska leh “The Rockefeller Foundation.”
The Trilateral Commission: adduunku waa inuu hal dawlad yeeshaa
Wuxuu kaloo yiri:
“Yaanan halmaamin khudbadduu David Rockefeller u jeediyay bisha Juunyo 1991 guddiga “Trilateral Commission”, uuna yiri:
“We are grateful to the Washington Post, the New York Times, Time Magazine and other great publications whose directors have attended our meetings and respected their promise of discretion for almost 40 years. …It would have been impossible for us to develop our plan for the world if we had been subjected to the lights of publicity during those years. But, the world is more sophisticated and prepared to march towards a world government. The super national sovereignty of an intellectual elite and world bankers is surely preferable to the national auto-determination practiced in past centuries.” End quote.
Warkaas Rockefeller macnihiisu waxaa weeye:
“Waxaan mahad u haynnaa the Washignton Post, the New York Times, Time Magazine and wargaysyo kale oo waawayn oo ay agaasimayaashoodu goob jog ka ahaayeen shirarkeenna, oo meel mariyay ballankay qaadeen inayan warka shirarkaas daboolka ka qaadin ku dhowaad afartan sano. …Nooma ayan suurto geli lahayn inaan hormarinno qorsheheenna aan adduunka u dejinnay hadday warbaahintu nalalkeeda nagu iftiimin
lahayd sanooyinkaas. Haddase adduunku waa hormarsan yahay, uuna diyaar u yahay inuu hiigsado inuu adduunku yeesho hal dawlad oo kali ah. Waxaa hubaal ah inay dawlad kali ahi oo ka kooban indheer garato iyo agaasimayaasha bangiyadu ka fiican tahay dawladaha qawmiyadaha ka kooban oo qarniyadii lasoo dhaafay jiri jirtay.” Waa intaas warkiisu.
Waxaa xusid mudan in Zika virus uu badeecad yahay, lagana gadan karo online ATCC-LGC, uuna joogo 599 Euro, ayna ku jirto “royalties” (ayna qaadanayso The Rockefeller Foundation oo virus-kaas hindistay).” Waa intaas warkiisu.
Dawladaha Koofurta Ameerika: dumarow uur ha yeelannina!
The Spread of the Mosquito-borne Zika Virus
By J.R.Smith
Global Resaerch, January 26, 2016
http://www.globalresearch.ca/spread-of-mosquito-borne-zika-virus-prompts-disturbing-new-call-for-no-child-policy/5503683
“Dawladaha Koofurta Ameerika ayan hormuud u tahay El Salvador waxau haweenkooda ku boorrinayaan inayan “Laba sano oo socda ayan uur yeelan.”
The Center for Diease Control and Prevention (CDC) ee dawladda maraykanku waxay uga digtay inay haweenka uurka leh u safraan 14 dal oo koofurta Ameerika ah” Waa intaas warkiisu.
Taranka dadka ee dalalka adduunka
Dalalka adduunku waa kala dad badan yihiin, wayna kala dhalid badan yihiin. Waxaa ugu taran badan adduunka dalalka muslimka ah, iyo Qaaradda Afrika iyo Aasiya iyo Bartamaha iyo Koofurta Ameerika.
Waxaana ugu taran yar dalalka Ameerika, Yurub iyo Japan.
Muslimiintu waxay caruur badan u dhalaan isagoo Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam kala dardaarmay inay caruur badan dhalaan. Dalalka Yurbna iyo Ameerika waxaa u geeyey inuu tarankoodu yaraado bakhaylnimo ayan doonayn inay caruur masruufaan iyo haweenkooda oo dhibka uurka iyo dhalidda diidan oo inay raaxo joogta ah ku noolaadaan doonaya, ayna u dheer tahay in isbitaal lagu dhalo ay aad qaali u tahay oo ay lacagtaas ka masuugayaan.
Sababta kale oo tarankoodu u yaryahay waa ayagoo raggoodu tabar yaraadeen, taasoo ku timid sababo kala duwan, sida ayadoo ay khaniismadu ku badatay oo uusan raggu haweenka dan ka lahayn; iyo ayadoo ay ku dheceen cudurro badan oo ragga tabarta ka qaaday; iyo ayadoo ay ku habsatay in badan oo raggooda ka mid ah inayanba kacsan oo ayan haween la gogol gali karin, haba ahaadaan kuwa u dhexee.
Dalaka adduunka waxaa ugu dad badan shiinaha oo afartii qof oo adduunkaan ku nool midkood waa shiine oo shiinuhu waa rubuc dadka adduunkaan. Sidoo kale afartii qof oo adduunkaan ku noolna midkood waa muslin oo muslimiintu tiro ahaan waa rubuc dadka adduunkaan deggan.
Tirakooba caruurta dalalka adduunka lagu kala dhalo
www.indexmundi.com/facts/indicators/SP.DYN.CBRT.IN/rankings
Tuessay 17 June 2014
Birth rate, crude (per 1,000 people) – country Ranking
Source: (1) UN Population Division. World Population Prospects. (2) United Nations Statistical Division. Population and Vital Statistics Report (Various years). (3) Census reports and other statistical puclications from national offices. (4) Eurstat: Demographic Statiostics. (5) Secretariat of the Pacific Community: Statistics and Demography Programme, and (6) U.S. Census Bureau: International Database.
Warkaas macnihiisu waxaa weeye:
Inta caruur ah oo ay kunkii qofba dhaleen sanadka 2013:
(1).Niger: 49.67 cunug kunkiiba. (2).Mali: 47.13. (3). Chad:45.89. (4). Burundi: 44.70. (5). Angola: 44.12. (6). Somalia: 43.30. (7). Uganda: 43.15. (30). Kenya: 34.90. (38). Ethiopia: 33.02. (48). Djibouti: 27.48. (66). Egypt: 23.18. (98). Mexico: 18.41. (114). Brazil: 14.94.
(126). Australia: 13.20. (133). United States: 12.50. (136). France: 12.30. (137). United Kingdom: 12.20. (149). Canada: 10.90. (182). Italy: 8:50. (183). Germany: 8.50. (184). Japan: 8.20. (186). Portugal: 7.90.
Bal farqiga u dhexeeya arag Soomaaliya iyo inta ka hooseysa!
Tirakoobkaan waxaan kasoo qaadannay Website-ka kor ku qoran.
Tirada dadka dalalka galbeed
Sideed iyo tobanka dawladaha Yurubta galbeed tirada dadka deggani waa qiyaas (350.000.000) saddex boqol iyo konton malyan oo qof. Maraykanka iyo Kanada marka la isku daro waa qiyaas saddex boqol oo malyan (300.000.000) oo qof iyo xoogaa.
Labadaas qaybood ee dawladaha galbeed wadartoodu waa qiyaas lix boqol iyo konto malyan oo qof, tiradaasoo ah nuska wadarta dadka shiinaha iyo nuska dadka Hindiya dega.
Dalka Brasil ee koofurta Ameerika waxaa deggan qiyaas laba boqol iyo sagaal malyan (209.000.000) oo qof.
Gumaadka reer galbeed ee dadadka kale
Maadaama ay aqalliyah laga badan yahay yihiin, reer galbeedku waxay goosteen inay dadka intiisa kale yareeyaan, kuna yareeyaan ama dagaal hubaysan, ama ayadoo loo diido inay dalalkooda cunno soo geliyaan oo ay gaajo u dhintaan, ama inta xeryo qaxooti loo dhiso cunnada laga hor istaago, ama ayadoo si qarsoodi ah daawo ku sheeg lagu dilo, si tallaallada gabdhaha uurkooda qallajiya.
La dagaallanka galbeed ee taranka muslinka
Sababhaas aan soo sheegnay ayaana u sabab ah inay dawladaha galbeed u sameeyeen laan ka mid ah Qarammada Midoobay oo ka shaqaysa sida loo yarayn lahaa taranka dawladaha Islaanka ah iyo afrikaba: United Nations Population Development ama wax taas la mid ah.
Hay’adda maraykanka ah ee la yiraahdo USAID iyo Bangiga Adduunka ayaa waxay Al Qaahira القاهرة\ , dalka Masar مصر\ , ka sameeyeen warshad lagu sameeyo bambiirada raggu gashado thakarka markuu haweeney u tagayo si ayan biyihiisu ugu dhicin oo ayan uur u qaadin.
Markaasay dawladda Masar مصر\ waxay warshaddaas u rogtay, kaddib markii la dhisay, warshad soo saarta banooniyaalka khafiifka ah e caruurtu ku cayaarto oo inta la buufiyo afka laga xiro oo duul duula, midabyada kala kuwanna loo yeelo.
Anigu waxaan markaas degganaa Al Qaahira القاهرة\ oo waxaan akhbaartaas ka arkay TV-iiga dawladda Masar مصر\ , waxayna ahayd bilowga kun sagaal boqol iyo sagaashanka.
Galbeedku wuxuu ka baqayaa in laga bato, waana laga tiro badan yahay hadaba.
Aragtida gabdhaha soomaaliyeed
Waxaan TV-ga Horn Cable ka fiirsaday maalin dhowayd (waxaa la sii daayay 23.01.2016) gabdho soomaaliyeed oo ka hadlaya mashruuc hadda Muqdisho laga wado kuna saabsan in kumanyaal gabdho soomaaliyeed ah, jirana inta u dhexeysa 22 sano ilaa 40 sano loo dhoofiyo dalka sucuudiga, aragtidooduna waxay ahyd:
Kow. Inayan diinta islaamku taas oggolayn.
Laba. Inay ujeedadu tahay dhabar goynta ummaddaa soomaaliyeed tahay, ayadoo gabdhihii caruur dhali lahaa dalka laga musaafirinayo.
Saddex. Gabdhaha soomaaliyeed waa la iibsanayaa.
Tan iyo 1991 waxaa Soomaaliya lasoo dejinayay amxaaro gaalo ah oo caruurtooda wadata, dhallinyaradii soomaaliyeedna dalkay ka qaxayaan ama xabbad iyo qarax iyo gaajo ayaa lagu laynayaa. Hadday sidaas ku socoto, mar dhow soomaalida waxaa dalkooda uga badanaya oo kala wareegaya amxaarada gaalada ah, waxaana la dooran doonaa madaxweyne amxaar ah oo gaal ah oo inta soomaalida ka hartay u talin doona oo gumaysan doona.
Bal adiguna ila arag aragtida gabdhahaas soomaaliyeed:
Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM
Columbus, Ohio, USA
Sabti 27 Rabeecu Al Thaanee ربيع الثاني\ 1437, una dhiganta lixda Fabraayo 2016
Use Facebook to Comment on this Post
![Facebook]()
Share